Ciidamada gumaystaha Israa’iil ayaa maalintii Shalay oo Jimce ahayd duqeeyey xaafadda Jamous ee magaalada caasimadda ah ee Beyruut.
Koonfurta magaalada Beyruut ee dhowr mar la kulantay duqeymo culus ayaa ah xarun ay ku xooggan yihiin kooxda shiicada ah ee Xisbullah.
Duqeynta ayaa burbur xooggan gaarsiisay mandiqadda la weeraray oo ay shir ku lahayeen sarakiil sar sare oo katirsan kooxda Xisbullah.
Weerarkaan waxaa gaystay diyaarad dagaal oo nuuceedu yahay F-35 waxayna dhowr gantaal la beegsatay guri dabaq ah oo ku yaalla deegaanka Al-Jamous ee duleedka koonfureed.
Sida la xaqiijiyay waxaa duqeyntaas ku hoobtay sarakiil sar sare oo katirsan kooxda Xisbullah uu ugu sareeyo hogaamiye Ibraahim Caqiil.