Gumaystaha Yahuuda oo 558 Qof ku Dilay Dalka Lubnaan.

43
0

Gumaystaha Yahuuda ayaa maalintii Labaad oo xiriir ah duqeymo dhanka cirka ah ku garaacaya qeybo ka mid ah dalka Lubnan gaar ahaan koonfurta dalka Lubnaan.

Duqeymaha gumaystaha Yahuuda waxaa ku dhintay 558 qof oo ay ku jiraan in ka badan 90 qof oo dumar iyo carruur ah.

Khasaaraha nafeed ee ka dhashay duqeymaha gumaystaha Yahuuda ay kawadaan dalka Lubnaan ayaa lagu sheegay in ay tahay tii ugu ballaarneyd ee ka dhacda Lubnaan, tan iyo dagaalkii gumaystaha Israa’iil iyo kooxda shiicada ah ee Xisbullah dhexmaray sannadki 2006-dii.   

Wasaaradda caafimaadka dalka Lubnaan ayaa sheegtay in dadka ku  dhintay duqeymaha gumaystaha ay gaarayaan 558 qof sidoo kale ay dhaawacmayn 1835. 

Weerarka cirka ah ee ay gumaystaha Israa’iil ay ku qaadeen Lubnaan Isniinti ayaa imaanaaya, maalmo yar kaddib marki ay kumannaan qof ku dhaawacmeen weerar loo adeegsaday qalab is-gaarsiineed oo lala beegsaday xubno ka tirsan kooxda Xisbullah. 

Sidoo kale gumaystaha ayaa weeraro lagu dilay qaar badan oo ka mid ah saraakiisha Xisbullah ka fuliyay dalka Lubnaan maalmihii la soo dhaafay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here