Duqeyn ay fuliyeen diyaaradaha gumaystaha Yahuuda oo ka dhacay magaalada Gaza ayaa lagu diley wariye Ismaciil Al-Ghoul oo ahaa saxafi u shaqeynayay TV-ga Al-Jazeera sidoo kale waxaa duqeynta ku shahiiday wariye kale oo sawir qaade ah kaas oo lagu magacaabo Rami Al-Rifi.
Sida la xaqiijiyay saxafiyiintaan ayaa la dilay ka dib markii gaari ay wateen lagu dhuftay gantaal.
Duqeynta ayaa ka dhacday afaafka hore ee guriga hogaamiye Ismaaciil Haniyeh oo ku yaala xerada qaxootiga Shati.
Gumaystaha Yahuuda ayaa ka tilaabsaday dhamaan xeerarka dunida ka jira.