Gumaystaha Yahuuda oo Duqeyay Dekadda Xudeydah ee dalka Yemen.

96
0

Diyaaradaha dagaalka gumaystaha Israa’iil ayaa Sabtidii shalay duqeyn ku qaaday dekedda magaalada Xudeyda ee dalka Yemen, duqeynta ayaa timid maalin kaddib markii kooxda Xuthiyiinta Yeman ee taageerada ka hela dowlada Iran ay sheegteen weerar loo adeegsaday diyaarad nuuca aan duuliyaha leheen oo ay ka fuliyeen magaalada Tel Aviv.

Qoraal ay soo dhigtay barta X, wakaaladda “Saba”, oo soo xiganaysa Wasaaradda Caafimaadka Xuutiyiinta, ayaa sheegtay in duqeynta ay ku geeriyoodeen 3 qof sidoo kale ay ku dhaawacmeen 87 qof.

Waa markii ugu horreysay oo gumaystaha Yahuuda ay duqaymo ka fuliyaan dalka Yemen, iyadoo Xuuthiyiintu ay weerarro ballaran oo loo adeegsaday gantaallo iyo diyaaradaha kuwa aan duuliyaha lahayn ay ku qaadeen maraakiib ganacsi oo maraayay Badda Cas iyo Badda Carabta, kuwaasoo ay ku sheegeen inay xiriir la leeyihiin gumaystaha Israa’iil ama ku sii jeeddan dekedaha ay maamusha Israa’iil.

Tan iyo markii ururka Xamaas weerarka ay ku qaadeen 7-dii October ee sanadkii hore magaalooyinka ay gumaysato Israa’iil; waxaa bilowday weeraro ka dhan ah gumaystaha Yahuuda.

Maamulka Yahuuda ayaa u muuqda mid la kulmay dharbaaxo culus kadib weerarkii lagu qaaday 7-dii October ee sanadkii hore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here