Maanta barqadii ayay ciidamada gumaystaha Yahuudda xoog ku galeen magaalooyin ku yaalla Daanta Galbeed, waxayna bilaabeen ol-ole ay ku xirxirayaan shacabka, waxayna dagaal la galeen dagaalyahannada wax iska caabinta oo ku sugnaa magaalada Tubas ee waqooyiga daanta galbeed, Goob joogayaal ayaa ku waramaya in ciidamada Yahuudda ay gudaha u galeen magaalada Tubas, iyagoo wata ciidamo tiro badan iyo gaadiid dagaal, taas oo keentay in halkaasi uu dagaal ka qarxo.
Guutada Tubas ee taabacsan guutooyinka Al-Qudus, ayaa war ay soo saartay ku sheegtay, in ciidamadooda ay iska hor-imaadyo ka sameeyeen Isgoysyada Tayasiir iyo Jidka Al-Thaghra, isla markaana ay rasaas xooggan ku fureen gaadiidkii ay la socdeen ciidamada Yahuudda, iyagoona sheegay inay si toos ah uhaleeleen hadafkooda.
Dhinaca kale, ilo wareedyo ayaa u sheegay Shabakada Aljazeera, in ciidamada gumaystaha ay qabteen Labo wiil oo dhalinyaro ah, kadib markii ay go’doomiyeen gurigooda oo ku yaallay xarada Balata ee bariga Nablus, waxayna sidoo kale xoog ku galeen tuulooyinka Rujib, Beit Dajan iyo Beit Furik oo dhanka bari kaga beegan Nablus, iyagoona halkaas ka fulinaya ol-ole ballaaran oo ay dadka ku xirxirayaan.
Ciidamada Sahaayinada ayaa u dhacay guryo ku yaalla xarada Al-Carroub oo dhanka waqooyi ka xigta magaalada Al-Khaliil, waxayna ku xadgudbeen dadka dagan halkaas, Ciidamada Yahuudda ayaa sidoo kale bilaabay ol-ole lagu soo qabqabanayo shacabka ku nool magaalada Yatta ee koonfurta Al-Khaliil, ka dib markii ay weerareen qaar kamid ah qoysaska iyagoo ku buufiyay gaaska wax ka ilimaysiiya.
Ciidamada Sahaayinada ayaa isaga baxay magaalada Jenin ee waqooyiga daanta galbeed, kadib howlgal ciidan oo qaatay 8 saacadood, waxaana ku shahiiday labo wiil oo dhalinyaro ah, halka 4 kalena ay ku dhaawacmeen.