Gumaystaha Yahuudda oo Gudaha u Galay Magaalooyinka Qalqilya iyo Tubas, iyada oo ay Jiraan Dagaallo ay la galeen Muqaawamada.

31
0

Ciidamada Yahuudda ayaa gudaha u galay  waaberigii maanta oo Jimca ah, magaalooyinka Tubas iyo Qalqilya oo ka tirsan Daanta Galbeed ee la haysto, waxayna xireen ugu yaraan Labo ruux oo  falastiiniyiin ah, iyagoo lakulmay dagaal  xooggan oo kaga yimid dhanka dagaalyahannada iska caabinta falastiiniyiinta oo ka hortagayay duullaankooda gartarrada ah.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya, in iska horimaad hubeysan uu dhexmaray dagaalyahanada wax iska caabinta falastiiniyiinta iyo ciidamada gumaystaha Yahuudda ee gudaha u galay magaalada Tubas ee dhacda waqooyiga daanta galbeed.

Guutada Al-Qudus ayaa sheegtay, in ciidamadooda ay dagaal culus la galeen ciidamada gumaystaha ee ku soo duulay magaalada Tubas, iyagoona walxaha qarxa  la beegsaday gaadiidkii uu cadawgu watay, halkaas gumaystaha waxaa kasoo gaaray khasaaro ballaaran.

Xarunta warfaafinta falastiiniyiinta ayaa sheegtay in ciidamada gumaystaha ay xireen ruux Falastiini ah oo lagu magacaabo Salah Mustafa Abu Mutawac, kadib markii ay xoog ku galeen gurigiisa oo ku yaallay magaalada Tubas.

Dhanka kale: ilo wareedyo ayaa  sheegaya in ciidamada guumaystaha Yahuudda ay xoog ku galeen magaalada Qalqiliya ee dhacda waqooyiga daanta galbeed,  Warbaahinta falastiiniyiinta ayaa sheegtay in ciidamada gumaystaha ay qabteen wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Sajid Jibriil,  kadib markii ay weerareen isaga oo ku sugan magaalada Qalqiliya.

Tuulada Beit Furik ee dhacda bariga magaalada Nablus, 5 qof oo falastiiniyiin ah ayaa ku dhaawacmay rasaas ay ciidamada Yahuudda ku fureen iska hor’imaadyo ay la galeen shacabka Falastiiniyiinta,  kadib markii ay xoog ku galeen tuulada.

Hay’adda Bisha Cas ee Falastiin ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay, in shaqaalaheeda ku sugan Nablus ay la tacaaleen 5 ruux oo ku dhaawacmay  rasaasta ay ciidamada Yahuudda ku fureen, kadib markii ay weerareen tuulada Beit Furik ee bariga magaalada Nablus, waxaana loo gudbiyay isbitaalka Hay’adda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here