Waa Subaxnimo Arbaca ah, Aroornimadii Saakay ciidamada Yahuudda waxay beegsadeen iskuul ay degan yihiin dad barakacayaal ah oo ku yaala xerada Bureyj, waxayna xoojiyeen duqeymaha ay ka wadaan waqooyiga marinka Qaza gaar ahaan Beyti Lahiya, halkaasoo Falastiiniyiinta Ku go’doonsan ay gaajo iyo dhimasho kala kulmaan.
Warar Dheeraad ah oo Soo Baxay Ayaa Sheegaya, in qof falastiiniyiin ah uu ku shahiiday kuwa kalana ay ku dhaawacmeen kadib weerar ay IYahuudda la beegsatay barqanimadii maanta teendho ay ku noolaayeen dad barakacayaal ah oo ku yaalla iskuul xiriir la leh hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee UNRWA oo ku taalla deegaanka Bureyj , Waa Xero ku taal bartamaha marinka Qazza.
Dhaqdhaqaaqayaasha ayaa baraha bulshada ku sheegay in duqeynta ay sababtay in la gubo ugu yaraan 15 teendho.Ka hor waaberigii, haweeney Falastiini ah ayaa ku shahiiday, qaar kalena waa ay ku dhaawacmeen duqeyn ayYahuuddu la beegsatay guri ku yaalla deegaanka Abu Cariif ee koonfurta Deyr Al-Balah, kaasoo sidoo kale ku yaalla bartamaha marinka Qazza.
Isla mar ahaantaana, diyaaradaha dagaalka Yahuudda ayaa bilaabay suunka dabka ee bariga Deyr al-Balah, sida ay sheegtay warbaahinta Falastiin.
Diyaaradaha dagaalka ee Yahuudda ayaa sidoo kale weerar ku qaaday xerada Nuseyrat iyo koonfurta kale ee xerada Bureij.
Xarunta Marinka Qaza ayaa dhawaan laga dareemayay xiisad dagaal oo ayYahuuddu ku hayso, marka laga soo tago xiisada ka taagan Waqooyiga Marinka Gazza.
Dhanka kale, madaafiicdaYahuudda ayaa duqeymo ka geystay xaafadaha Al-Sabra iyo Tal Al-Xaawo ee magaalada Gaza.