Iyadoo maalintii 430-aad ee duullaanka gardarrada ah ee Qazza uu galay, ayaa waxaa la beegsaday Isbitaalka Indonesiya ee ku yaalla waqooyiga Marinka Gazza, iyadoo lagu garaacay madaafiic, Taas oo ay ku dhaawacmeen 6 bukaan, waxayna sidoo kale xoojisay howlgallada lagu qarxinayo dhismayaal la deggan yahay oo ku yaalla magaalada Rafah.
Dhinaca dhulka, guutooyinka Al-Qassam waxay la beegsadeen laba taangi oo Yahuudda Leeyihiin oo ku sugnaa xerada Jabaliya ee waqooyiga Marinka Gazza, halka guutadda Al-Qudus ay shaaciyeen inay beegsadeen gaadiidkii iyo askartii ku sugnaa Al-Jiniina ee Rafah.
Dhanka siyaasadda, Ra’iisul wasaaraha Yahuudda Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in dhicitaanka nidaamka madaxweyne Bashaar Al-Asad ee xilka laga tuuray ee Suuriya, ay gacan ka geysan karto horumarka laga gaarayo wada-hadallada la isku dhaafsanayo maxaabiista.