Raadiyaha ciidanka gumeystaha Israa’iil ayaa sheegay in 80 askari oo Israa’iiliyiin ah laga dilay bishaan aynu ku jirno ee October.
Askarta halaagsantay waxay ka mid ah 64 askari oo ka kala tirsan millitariga iyo booliis gumeystaha Yahuuda.
Gumeystaha ayaa sheegay in askarta intooda badan lagu dilay furimaha dagaalka ee Koonfurta Lubnaan iyo magaalada Gaza.
-33 saraakiil iyo askar ah ayaa looga dilay koonfurta dalka Lubnaan, halka 19 kale looga dilay marinka Gaza.
Inta kale waxaa lagu dilay weeraro ka dhacay gudaha Falastiin, arintaas oo ay ku tilmaameen gumeystaha in bishaan ay tahay “Black October. ”