Dagaalka biyaha waa mid kamid ah dagaalada ugu halista badan dunida.
Waa dagaal qofkii ku guulaysta uu ku guulaysanaayo dagaalka dhanka ciidanka, Siyaasadda iyo dhaqaalaha.
Gumeystaha reer galbeedka ee duullanka ku soo qaaday dhulalka muslimiinta qarniyadii la soo dhaafay ayaa dajiyay kaartooyin iyo istaraatiijiyado ay ugu talo galeen in ay ku qabsdaan ilaha biyaha ay ka soo burqadaan wabiyada waa wayn ee ku yaal dhulalka muslimiinta.
Dowladda Ingiriiska oo calanka u siday gumeystihii duullaanka ku soo qaaday dhulalka muslimiinta ayaa u gacan galisay xabashida Itoobiya isha biyaha ay ka soo burqato wabiga Niilka ee buluugga ah.
Wabiga Niil ayaa lagu tiriyaa inuu yahay webiga ugu dheer dunida, waxa uu ka kooban yahay laba qayb oo kala ah webiga Niilka cad iyo Niilka buluugga ah.
Dhererkiisu waa 6,650 km, wuxuu ku fadhiyaa dhul dhan 3,349,000 oo KM oo isku wareeg ah, waana webi taariikhi ah oo hareehiisu ay ka dhisnaan jireen mid ka mid ah xadaaradihii ugu faca-waynaa dunida oo ah xadaaradii Faraacinada.
Wabiga Niilka cad iyo dhamaan laamihiisu waxay ka soo burqadaan harada Victoria.
Halka wabiga buluuga ah uu ka soo burqado harada Tana ee ku taala gobolka Beni-shangul oo ay Xabashidu gumeysto.
Gobolka Beni-shangul ayaa ah gobol ay leedahay Suudaan, waa gobol ay dagan yihiin shacab Suudaani ah balse gumaystihii Ingiriiska uu u gacan galiyay xabashida Itoobiya, sababtoo ah waa gobolka ay ka soo burqato isha biyaha ee harada Tana ee wabiga Niilka buluuga ah.
Wabiga Niilka ee buluuga ah waxa uu muhiimad gaar ah u leeyahay Masar iyo Suudaan, gaar ahaan wuxuu ah ahmiyad u leeyahay dalka Masar, sababtoo ah dhinac kasta oo nolosha Masar ah waxay ku xiran tahay biyaha Niilka.
Reer Masar waxay ka helaan ku dhawaad 97% waraabka iyo biyaha ay isticmaalaan wabiga Niilka.
Sidaas oo ay tahay xabashida Itoobiya maanta harada Tana waxay ka dhiseen biyo xireen halis ku ah muslimiinta reer Masar.
Biyo xireenka loo yaqaano Al-nahda ayaa noqday mid sababay khilaafka u dhexeeya Masar iyo Itoobiya.
WQ: Axmed Gureey.