Gumeystaha Yahuuda ku Dhaawaqay In Laga Dilay Askar Qaar Kale Laga Dhaawacay.

33
0

Ciidamada gumeystaha Yahuuda ayaa ku dhawaaqay jn laga dilay 1 askari qaar kale looga dhaawacay dagaalada ka socda xuduud beenaadka ay wadagaan Lubnaan iyo Falastiin.

War-saxaafadeed ka soo baxay ciidanka Gumeytaha ayaa lagu yiri:

“Waxaa loo oggolaaday in lagu dhawaaqo sheegida dhimashada askari ka ka mid ah ciidamada kaydka ah oo lagu magacaabo “Itai Azoulay” oo ka tirsanaa Cutubka 5515 oo lagu dilay dagaallo ka dhacay koonfurta Lubnaan, sidoo kale dagaaladaas ay laba askari oo kale ay si xun ugu dhaawacmeen.”

Ciidanka gumeystaha Yahuuda ayaa la kulmaaya dhiig bax joogta ah tan iyo weerarkii 7 Octobar ee sanadkii hore lagu qaaday Yahuuda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here