Gumeystaha Yahuuda oo 5 Caruur ah ku Dilay xerada Al-Shati ee Marinka Gaza.

41
0

Gumeystaha Yahuuda ayaa 5 carruur ah dilay, qaar kalena ku dhaawacay, maanta oo Axad ah, xasuuq cusub oo ay ka geysteen galbeedka xerada Al-Shati ee waqooyiga magaalada Gaza.

Ilo deegaanka ah ayaa ku waramaya in diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka loo yaqaan ay bartilmaameedsatay koox caruur ah oo ku ciyaaraysay agagaarka Café Ghaben ee xerada Al-Shati, taasoo sababtay dhimashada 5 caruur ah, iyo dhaawaca qaar kale oo ka ag dhawaa.

Ciidamada gumaysiga ayaa sii wada duullaanka gardarrada ah ee ka dhanka ah Marinka Gaza, ayagoo ka duqeenaaya Gaza dhulka, badda iyo cirbka, tan iyo 7, Oktoobar, 2023-kii, taasoo keentay in ay shahiidaan 42,227 muslimiin ah iyo dhaawaca 98,464 kale, kuwaas oo u badan carruur iyo haween.

Sidoo kale kumannaan qof ayaa la la’yahay kuwaas oo ku hoos jira burburka hoostiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here