Gumaystaha Yahuuda ayaa subaxnimadii hore ee saaka duqeeyay mandiqad warshadeed ku taala gobolka Xamis ee bartamaha dalka Suuriya.
Duqeynta ayaa sababtay in ugu yaraan afar qof ay ku dhaawacmaan, sidoo kale uu dab aad u xooggan ka kaco goobta la duqeeyay.
Goobta la duqeeyay ayaa ahayd warshad ay leedahay dowlada Iiraan oo lagu farsameeyo gawaarida.
Waa markii labaad oo wax ka yar toddobaad ay gumeystaha Yahuuda beegsadaan magaalada warshadaha ee Xasiyaa ee ku taala baadiyaha gobolka Xamis.