Ciidama gumeystaha Yahuuda ayaa saacadihii lasoo dhaafay waday duqeymo culus oo lala beegsanaayo koonfurta dalka Lubnaan.
Duqeymaha ayaa qayb ka ah dagaalada u dhexeeya kooxda Xixbullah iyo gumaystaha Yahuuda.
Wasaaradda caafimaadka ee Lubnaan ayaa sheegtay in duqeymaha gumaystaha Yahuuda ay ku qaadeen magaalooyinka dhaca koonfurta Lubnaan ay sababeen dhimashada 50 qof iyo dhaawaca 300, oo ay ku jiraan carruur, haween, iyo kalkaaliyayaal caafimaad.
Jabhada Lubnaan ayaa u muuqata mid faraha ka sii baxaysa, isla markaasna si toos ah u noqonaysa furin dagaal oo furin.