Gumeystaha Yahuuda Oo Duqeymo Ka Fuliyay Dalka Suuriya.

30
0

War ka imaanaya dalka Suuriya ayaa sheegaya in ciidamada gumeystaha Israa’iil ay duqaymo ka fuliyeen dalkaas.

Duqeymaha ayaa ka dhacay konfurta magaalada Dimishiq ee caasimadda dalka Suuriya. 

Duqayntan ayaa ku soo beegmaysa iyaddo saacado ka hor Madaxweynaha Suuriya Abuu Maxamad Al Jowlaani, hadalo kulul hawada u mariyay cadowga Suuriya ugu horeeyaan gumeystaha Yahuuda.

Gumeystaha Yahuuda ayaa sheegay in aysan aqbali doonin in ciidamada Suuriya ay fariisimo la sameystaan koonfurta dalkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here