Gumeystaha Yahuuda ayaa galinkii dambe ee shalay ku dhawaaqay dilka hogaamiye Yaxya Sinwar.
Ciidama gumeystaha ayaa sheegay in Yaxya Sinwar lagu dilay is rasaasayn si kadis ah kaga dhacday magaalada Rafax.
Bayaan ay soo saareen ciidamada gumeystaha Israa’iil ayaa lagu sheegay in ciidan ka tirsan guutada 828-aad Yahuuda ee ku sugan magaalada Rafax ay shalay dagaal la galeen 3 dagaalyahan kadibna ay dileen, baaritaan kaddibna ay ogaadeen in Sinwar uu ka mid ahaa raga la dilay.
Afhayeen u hadlay ciidamada gumeystaha Israa’iil ayaa sheegay in askarta Yahuuda ah aysan ka warqabin joogitaanka Yaxya Sinwar ee dhismaha ay rasaasta isku weydaarsadeen Sinaar iyo ciidamada gumeystaha ee magaalada Rafax ee dhacda koonfurta Marinka Gaza.
Dhanka kale, ilaa iyo hadda xarakada Xamaas wax war ah kama soo saarin dilka hogaamiye Yaxya Sinwar.