Gumeystaha Yahuuda oo Laga Dilay 7 Askari.

35
0

Ciidamada gumeystaha Yahuuda ee gudaha u galay koonfurta dalka Lubnaan ayaa saacadihii dambe ee shalay la kulmay weerar dhabo-gal ah.

Weerarka ayaa lagu dilay ugu yaraan 7 askari oo katirsan ciidamada gumeystaha Yahuuda halka 17 kalena laga dhaawacay.

Ciidamada gumeystaha ee la kulmay weerarka dhaba-galka ah ayaa katirsanaa guutada Gowlani.

Sida aan ka soo xiganay warbaahinta Yahuuda waxay sheegeen: In ciidan ka tirsan guutada Golani ay galeen guri kadibna ay la kulmeen weerar gaadmo ah, taasoo keentay dhimashada 7 askari iyo dhaawac 17 kale.

Koonfurta Lubnaan waxaa ka socda dagaallo xooggan oo u dhaxeeya kooxda shiicada ah ee Xisbullah iyo ciidamada guumeysiga Israa’iil, xilli ciidamada Israa’iil ay ku adkaatay in ay si fudud gudaha u galaan koonfurta Lubnaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here