Gumeystaha Yahuuda Oo Wariyayaal Ku Xasuuqay Magaalada Qaza.

21
0

Warbaahinta Falastiin ayaa sheegtay subaxnimadii hore ee saaka oo Isniin ah in laba weriye lagu dilay kuwa kalena lagu dhaawacay weerar cirka ah oo ay gumeystaha Israa’iil la beegsadeen teendho ay daganayeen saxafiyiin.

Teendhada ayaa ku dhow xarunta caafimaadka ee Naasir ee Khan Yunis, ee koonfurta magaalada Qaza.

TV-ga Al-Aqsa ayaa sheegay in madaafiicda gumeysataha Israa’iil ay subaxnimadii hore ee maanta oo Isniin ah duqeeyeen deegaannada bariga ee xaafadaha Alzeytuun iyo Shujaaciya ee magaalada Qaza.

Sidoo kale warbaahinta maxaliga ah ayaa ku warantay in duqeymo dhanka cirka ah gumeystaha la beegsadeen magaalada Rafax iyo xerada qaxootiga ee Al-Bureyj ee bartamaha iyo koonfurta marinka Qaza.

Diyaaradaha gumeystaha ayaa sidoo kale duqeymo ka geystay teendho ay ku noolaayeen dad barakacayaal ah oo ku sugnaa Isbitaalka Shuhadada ee Al-Aqsa ee ku yaalla Deyr al-Balax, ee bartamaha Magaalada Qaza, waxaana ka dhashay dhaawacyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here