Gumeystaha Yahuuda ayaa saacadihii la soo dhaafay ka gaystay magaalada Gaza xasuuq aad u daran ka dib markii ay duqeeyeen maajid, iskuul, xarumo dad shacab ah ay ku barakeceen iyo guryo ku yaala Gaza.
Duqeynta ka dhacday masjidka waxaa ku shahiiday in ka badan 20 qof oo ku sugnaa ku masjidka.
Difaaca madaniga ah ee magaalada Gaza ayaa ku dhawaaqay “in 21 qof ay ku dhinteen weerar ay Israa’iil la beegsatay masjid ay ku sugnaayeen dad barakacayaal ah oo ku yaalla Deyr al-Balax ee bartamaha Gaza.”
Afhayeenka difaaca madaniga ah Maxamud Basal ayaa sheegay in 21 qof ay ku shahiideen qaar kale ay ku dhaawacmeen kadib markii ciidamada gumeystaha Yahuuda ay duqeeyeen masaajid ay degan yihiin dad barakacayaal ah oo ku yaala afaafka hore ee isbitaalka Shuhadada Al-Aqsa ee ku yaala deegaanka Deyr Al-Balax ee bartamaha marinka Gaza .
Waxaa sidoo kale jira tobanaan muslimiin ah oo ku shahiiday ka dib markii gumeystaha uu duqeyay guryo ku yaalo Beyt Lahiya, ee waqooyiga Gaza iyo iskuulka Al-shaafici iyo xarumo kale oo ay ku barakeceen shacabka reer Gaza.
Ilaa 30 qof oo shahiiday iyo 150 dhaawacyo ah ayaa gaaray cisbitaalada magaalada Gaza tan iyo galabnimadii sabtida.
Gaalada Yahuuda ayaa duqeeyay muddo 48 saac ah 27 guri, masjid, iskuul iyo xarun barakac isugu jira.
Hoos ka daawo sawirada