Gumeystaha Yuhuuda oo Duqeeyay Dalka Yeman.

48
0

Diyaaradaha dagaalka gumeystaha Yuhuuda ayaa maalintii shalay ahayd duqeymo ka fuliyay magaalooyinka ay maamullan kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yemen.

Gumeystaha ayaa la beegsaday duqeymaha garoonka diyaaradaha Raas Ciise iyo dekedda weyn ee Xudeydah.

Maleeshiyaatka Xuuthiyiinta oo ay dacmiso xukuumada Iran ayaa warsaxaafadeed ay soo saareen ku sheegay inay waqti hore ay sii banneeyeen inta badan fuustooyinka shidaalka ee yaalay dekedda Xudeydah ka hor duqeynta gumeystaha.

Waxaa dhanka kale xusid mudan in saacadihii lasoo dhaafay ay baraha kala duwan ee Internet-ka ay ku baaheen muuqaallada laga soo bandhigay goobta ay duqeynta ka dhacday, waxaana ka muuqanayey dab xoogan oo qabsaday haamaha keydka shidaalka ee yaala qaybo kamid ah dekedda muhiimka ah ee Xudeydah.

Gumeystaha yuhuuda ayaa markan u muuqda mid doonaya in dagaalka uu ku fido wadamo cusub sida: Dalka Lubnaan, Ciraaq, Suuriya, iyo Iiraan.

Dowlada Mareykanka ayaa ka cabsi qabta in mandiqadda oo dil uu ka qarxo dagaal caalami ah oo saameeya danihiisa iyo saldhigyada uu ku leeyahay gudaha dunida islaamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here