Guutada Ciz ad-Din al-Qassam Oo Duqeeyay ee Casqalaan iyo Usduud.

22
0

Fiidnimadii xalay, xoogaga iska caabbinta falastiiniyiinta ayaa gantaallo ku garaacay , magaalooyin ku hoos jira gumeysiga Yahuuda. 

Guutada Ciz ad-Din al-Qassam , oo ah garabka militariga ee dhaqdhaqaaqa iska caabinta Islaamiga ah ee Xamaas , ayaa ku dhawaaqay inay magaalada Usduud ee la haysto ku duqeeyeen gantaallo “si ay uga jawaabaan xasuuqa Sahyuuniyadda ee ku haayaan dadka rayidka ah.”

Dhanka kale, warbaahinta gumeystaha ay sheegtay in tiro dhaawac ah iyo burbur agab uu ka dhashay duqeynta.

Israiil Hayom ayaa sidoo kale sheegtay in warbixinadii ugu horeeyay ay muujinayaan in si toos ah loo garaacay magaalada Casqalaan iyo Usduu.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here