Guutooyin ka Tirsan Ciidamada Yahuudda oo Laga Saaray Gudaha Marinka Go’adoonsan ee Qazza.

5
0

Ciidanka Yahuudda ayaa shaaciyay, in Marinka go’adoonsan ee Qazza ay ka saareen guuto ka tirsan ciidamada gaarka ah ee Yahuudda, kuwaas oo la geeyay meelo ka baxsan marinka gaar ahaan xudeed beenaadka ay dawladaha Masar iyo Urdun la wadaagaan dhulka la haysto ee Falastiin.

War kasoo baxay idaacadda ciidamada Yahuudda ayaa lagu sheegay, in guutada 98-aad oo ka koobnayd labo qaybood laga saaray marinka, halkaas oo ay ka howlgalayeen tan iyo markii uu bilowday cudwaankan Yahuudda ee ka dhanka ah dadka Falastiiniyiinta ah ee ku nool xaydaanbka Qazza.

Idaacadda ayaa intaa ku dartay in guutada Nahaal ay sidoo kale ka baxday Qazza, ayna u guureen dhanka Daanta Galbeed, halkaas oo ay horay uga howlgeli jireen ciidamo kale oo hada ku hawlan samatabixinta iyo gurmadka goobaha burburka xooggani ka dhacay ee gudaha magaalooyinka waawayn ee Yahuuddu xooggaga ku haysato.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here