Wargeyska Haaretz ee ka soo baxa dhulka ay Yahuuddu maamusho, ayaa manta sheegay in Kooxo Haakaris ah oo la rumeysan yahay inay xiriir la leeyihiin sirdoonka Iran, ay shaaca ka qaadeen xogta shaqsiyadeed ee sarkaal sare oo katirsan militari Sahaayinada iyo Saynisyahanka Nukliyeerka ee Maamulka Yahuudda, kaas oo ka shaqaynayay xarunta cilmi baarista Nukliyeerka ee lagu magaacaabo Sorek.
Wargeysku wuxuu intaa ku daray, in Haakariskan ay daabaceen sawirro laga soo qaaday xarunta Sorek, oo ay la socdaan sawirro muujinaya magacyada Saynisyahano kale oo maamulka Yahuudda u qaabilsan samaynta Nukliyeerka, kuwaas oo isla xarunta Sorek ka shaqaynayay.
Warbixinta uu daabacay wargayskan Haaretz, waxaa sidoo kale lagu sheegay in kooxahan Haakariska ah ay sheegteen, inay gudaha u galeen akoonka gaarka ah ee Agaasimihii hore ee Wasaaradda Difaaca Yahuudda, isla markaana ay daabaceen sawiro iyo dukumentiyo gaar ah, sidoo kalena ay faafiyeen xogta shakhsiyadeed ee uu leeyahay safiir katirsan safiirada Yahuudda, iyo sidoo kale macluumaadka qaar kamida qoysaska saraakiisha sarsare ee Yahuudda .
Sida laga soo xigtay wargeyskan, bishii March ee la soo dhaafay, kooxdan Haakariska ah ayaa sheegtay, in ay xadeen xogta Xarunta Cilmi-baarista Nukliyeerka ee Negev, iyaga oo jabsaday Emailada Maamulka Sahaayinada, oo ay ku jiraan server-yada guddiga Tamarta Atoomikada ee Yahuudda.
Wargeysku waxa uu xusay in bilihii la soo dhaafay ay markhaati ka ahaayeen dacwad lagu soo oogay dad badan oo Yahuudd ah, kuwaas oo lagu eedaynayo in ay sirdoonka Iran u shaqaynayeen, si ay u beegsadaan saraakiisha sarsare ee Yahuudda , oo uu ku jiro Saynisyahanka Nukliyeerka. Wargayska ayaa intaa ku daray in Arintan ayaa tahay guul wayn oo usoo hooyatay sirdoonka Iran.