Ciidamada guumaysiga Israa’iil ayaa ku dhawaaqay in ay dileen halyeeygii ka dambeeyay howlgalkii ka dhacay galbeedka Al-khaliil gaar ahaan deegaanka Tarqumiya.
Dagaalyahanka oo haybtiisa la aqoonsasay ayaa lagu magacaaba Muhannad Al-Ascuud.
Muhannad Al-Ascuud ayaa ahaa Sarkaal hore uga tirsanaan jiray Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada xukumada dabadhilifka u ah gumeystaha uuna hogaamiyo Maxamuud Cabaas balse wuxuu xilka iska casilay 3 sano ka hor.
Muhannad Al-Ascuud ayaa hadda waxa uu u shaqeeynayay shirkad koronto.
Dagaal yahan Muhannad Al-Ascuud ayaa shalay toogasho ku dilay ilaa iyo 3 Sarkaal oo katirsan gumeystaha Yahuuda oo ku sugnaa bar-kontoroolka deegaanka Tarqumiya ee galbeedka Al-khaliil.