Hanjabaaddii Trump Kadib, Dalalka NATO oo ku Talo Jira in ay Ciidamo u Diraan jasiiradda Greenland.

22
0

Wadamada ku bahoobay magaca NATO ayaa yeelanaya wadahadalo aan toos ahayn oo ay uga wada xaajoonayaan in ciidamo militari loo diro jasiirada Greenland ee Denmark.

Wargeyska The Telegraph ee ka soo baxa Britain ayaa sheegay, in iyadoo la tixraacayo hanjabaaddii dhawaan ka soo yeeray madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee ku aadan in uu qabsanayo jasiiradda Greenland ay dalalka NATO yeesheen wadahadallo aan rasmi ahayn oo ay uga wadahadleen in ciidamo loo diro Grønland si ay u xoojiyaan difaacideeda.

Tallaabadani waxay ku timaaday  dadaallada ay dalalka Yurub ku sugayaan amniga jasiiradda, iyadoo la eegayo muhiimadda istiraatijiyadeed iyo kheyraadka dabiiciga ah ee ku jira.

Danmark, oo kaashanaysa xulafadeeda Yurub, ayaa sidoo kale doonaysa inay xoojiso joogitaankeeda ciidan ee gobolka, si ay uga hortagto khatar kasta oo ka iman karta Mareykanka.

Greenland, oo ka tirsan Boqortooyada Danmark, waa jasiiradda ugu weyn adduunka, waxayna ku naaloonaysaa meel istiraatiiji ah oo ku taalla cirifka woqooyi, taas oo ka dhigaysa goob ay diiradda saarayaan quwadaha kala duwan ee adduunka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here