Hashiis Xabad-joojin ah oo lagaga dhawaaqay Marinka Gaza.

8
0

Shir jaraa’id oo uu xalay ku qabtay magaalada Doha ee dalka Qatar, ayuu ra’iisul wasaaraha ahna wasiirka arrimaha dibadda Qatar Mohammed bin Abdulrahman Al Thani kaga dhawaaqay heshiis xabad joojin ah oo u dhexeeya muqaawada Falastiin iyo Yahuudda, isagoo soo bandhigay qodobbadii ugu muhiimsanaa.

Mohammed bin Abdul Rahman ayaa sheegay, in heshiiskan uu bilaaban doono maalinta Axadda ah ee soo socota, isagoo intaa ku daray, in ansixinta labada dhinac ee wada xaajoonaya kadib ay sii socon doonto dhameystirka dhinacyada fulinta.

Heshiiskan waxaa aad ugu farxay Muslimiinta ku nool Marinka Gaza, kuwaasoo in kabadan hal sano lagu hayay xasuuq aan loo meel dayaynin. Halka muqaawada Falastiina ay sheegtay, in heshiiskan uu muujinaya sabarka iyo sugnaan muqaawamada iyo shacabka dulmi-diidka ah oo is garabsanayo.

Ku dhawaaqista heshiiskan ayaa timid 15 bilood kadib oo uu billowday dagaalka Yahuudda ee ka dhanka ah Gaza, kaasoo illaa hadda ay ku shahiideen in ka badan 46 Kun halka ay kumanaan kalana ku dhaawacmeen. Yahuudda ayaana wax hadaf ah ka xaqiijinin dagaalkaas marka laga soo taga inay xasuuq kula kacday dadka rayidka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here