Hawgaladii Ugu Dambeeyay ee Muqaawada Falastiinyiintu ku Beegsadeen Ciidamada Yahuudda.

15
0

Guutada Cisu-Diin Al-Qassam, garabka militariga ee dhaqdhaqaaqa wax iska caabinta Falastiiniyiinta ee Xamaas, ayaa ku dhawaaqay dilka iyo dhaawaca xubno ka tirsan ciidamada lugta ee Yahuudda.

10 askari oo Yahuudd ah ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday,  kaddib markii ay dagaal adag la galeen xooggaga Falastiiniyiinta, dagaalkan  ayaa ka dhacay meel jihada bari ka xigta magaalada Rafah oo ku taalla koonfurta Marinka Qaza,

Sidoo kale guutada Al-Qasaam waxay sheegtay, in ay beegsatay ciidamo Yahuudd ah oo ku sugnaa guri ku yaalla marinka, iyagoo adeegsanaya gantaalaada  lidka taangiyada. Muqaawamada ayaa sido kale beegsatay gaari dagaal iyo cagaf-cagafta ciidanka nooca loo yaqaano D-9, kuwaas oo lagu burburiyay  labo madfac oo ah  “Al-Yaasiin 105”, taasoo keentay in cagaf-cagaftu  ku gubato meel waqooyiga ka xigta Burj Cawad ee magaalada Rafax.

Dhanka waqooyiga, guutada Al-Qassam ayaa ku dhawaaqday, in ay hoobiyeyaal ku duqeeyeen taliska ciidamada gumaysiga ee gudaha deegaanka Al-Tawam ee waqooyiga magaalada Qaza.

Dhankeeda guutada Al-Qudus ee garabka melleteriga ee Xarakada Jihaad Islaami ayaa shaaca ka qaaday, in iyaga oo kaashanaya guutooyinkooda ay 107 gantaal ku garaaceen fariisimaha madaafiicda ee ciidamada Yahuuddu ku leeyihiin degaanka Fajjah.

Dhanka waqooyiga marinka Qaza, waxaa la maqlayaa rasaas xooggan oo ay iswaydaarsanayaan muqaawamada Falastiiniyiinta iyo ciidamada Gumaystaha, weerarkan ayaa ka dhacay gudaha xerada ay Yahuuddu ka samaysatay magaalada Jabaliya ee waqooyiga Marinka Qaza.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here