
Waxaa soo gabagaboobay howlgal Inqimaasi ah oo socday muddo ku dhow 14 saacadood kaas oo lagu beegsaday xarun ciidamada Df ay ku leeyihiin magaalada Baladweyne ee wilaayada Hiiraan. Sida ay xaqiijisay warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Andulus oo ku hadasho Af-Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Hawlgalkaan ayaa soo bilawday shalay 7 aroornime, waxa uuna socday shalay oo dhan isagoo xalay soo gaaray, waxana jiro khasaare baaxad leh oo lagu gaarsiiyay ciidanka dawladda Fadaraalka.
Bayaan kasoo baxay taliska malatariga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa lagu sheegay, in hawkaas lagu dilay ku dhawaad 20 ka tirsan ciidamada dawladda Fadaraalka, oo ay kamid ahaayeen 4 horhooge oo abaabulayay duulaan ka dhan ah Galbeedka Wilaayada Islaamiga ah ee Hiraan.