Hawlgadadii Ugu Dambeeyay ee ay Muqawmada Falastiiniyiintu ku Beegsadeen Ciidamada Yahuudda.

17
0

Muqaawamada Falastiiniyiinta ayaa iska hor imaadyo xooggan ka wada Waqooyiga Marinka Qaza, waxaana muuqaallo gaar ah oo warbaahinta lagu faafiyay muujinayeen, dagaallo udhexeeya xooggaga Guutooyinka Al-Qassam  iyo ciidamada Gumeysiga Yahuudda. Sidoo kale waxaa muqaalka lagu arkayaa xubno ka tirsan muqaawamada oo burburinaya gawaari ay leeyihiin ciidamada Yahuudda oo ku sugnaa gobolka.

Guutooyinka Al-Qassam ayaa ku dhawaaqay in ay toogteen, askari Yahuuddi ah oo ku sugnaa koonfurta xaafadda Al-Zaytuun ee magaalada Qaza. Sidoo kale waxay sheegeen in ay beegsadeen taangiyo ay la socdeen ciidamo Yahuudd ah, kuwaas oo u qayb samay wax dhinta iyo wax dhaawacmay.

Wargeyska Yedioth Ahronoth ee kasoo baxa dhulka ay Yahuuddu gumaysiga ku haysato ayaa sheegay, in weeraro loo adeegsaday gantaalo lagasoo riday waqooyiga marinka Qaza ay sababeen khasaare xooggan, kuwaas oo markii saddexaad todobaadkan oo kaliya ku dhacay xarumo ay leeyihiin ciidamada Yahuudda,  weeraradaas oo gaystay khasaare kala duwan.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa sii xoogeysanayay howlgallada iska caabinta Falastiiniyiinta ee ka socda waqooyiga Marinka Qaza, iyo sidoo kale deegaanada kala qeybiya bartamaha iyo koonfurta Marinka Gaza iyo gobollada waqooyi.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here