Dagaal yahano hubaysan oo katirsan kooxaha iska caabinta reer Falastiin ayaa rasaas la dhacay gaari Bas ah oo ay la socdeen gumeystaha Yahuuda, laakiin ma jirto cid wax ku noqotay rasaastaas.
Isla goobtaas waxay rasaas la dhaceen raga hubaysan ee katirsan kooxaha iska caabinta Falastiin qaar ka mid ah ciidamada gumeystaha Yahuuda.
Hawlgalkaas waxaa lagu dilay ilaa iyo 3 askari oo katirsan gumeystaha Yahuuda.
“Dagaal yahanada fuliyay hawlgalka Taarqumiya ee Al-khaliil ayaa 11 xabadood ku riday baabuur ay wateen ciidamada booliska wax ka yar nus daqiiqo, halkaas oo ay ku dileen 3 askari oo ka tirsan booliska, ka dibna waxay ka baxsadeen goobta.” Sida ay sheegeen warbaahinta gumeystaha Yahuuda.
Gumeystaha Yahuuda ee xogga ku jooga dhulka Falastiin ayaa la kulmaaya weeraro culus oo kaga imaanaya shacabka reer Falastiin ee gumeysi diidka ah.