Ciidamada xarakada Al-Shabaab ayaa xalay weeraro kala duwan ku beegsaday xarumo ciidan oo ay lahaayeen ciidamada shisheeye iyo kuwa maamulka Konfur-galbeed, sidoo kale waxay weerareen askarta dawlada faderalka.
Weraradan ayaa ka kala dhacay xerada ay askarta Xabashida Itoobiya ku leeyihiin degmada Diinsoor ee gobalka Baay, iyo saldhigga askarta maamulka Koonfur-galbeed ay ka samaysteen degaanka Awdiinle ee isla gobaalkaas.
Fariisimaha askarta Dwoladda Fedaraalka ee xaafadaha Mukayga iyo Haanta-dheer ee degmada Afgooye ayaa la kulmay weeraro, halka isla ciidamadan qarax lagula beegsaday degaanka Ceelasha-biyaha ee duleedka Muqdisho. Waxaana lagu dilay 1 askari iyadoona uu ku dhawacmay askari kale.
Dhanka ciidamada shisheeye, waxaa la weeraray xerada asakrta Uganda ay ku leeyihiin magaalada Buulomareer ee Sh-hoose, iyadoo dhanka kale weerar qarax ah lagu beegsaday, guriga uu magaalada Dhoobley ee gobalka Jubada-hoose ka dagan yahay gudoomiyaha degmadaas.