Hawlgallo Lagu Dilay Askar Katirsan Dawladda Fadaraalka oo Ka Dhacay Gobalka Banadir.

17
0

Gobalka Banaadir, ciidamada Xarakada Mujaahidinta Al-Shabaab ayaa weeraray fariisin ay maleeshiyaadka dawladda Fadaraalku  ku lahaayeen agagaarka Qubuuraha Barakaat ee Xaafada Daaru Salaam  magaalada Muqdisho.

Weerarkan ayaa gaystay khasaare kala duwan oo gaaray ciidamadii halkaas ku sugnaa, walow aysan jirin wax faahfaahin ah oo kasoo baxaysa.

Deegaanka Ceelsha Biyaha ee duleedka Muqshisho waxaa sidoo kale ka dhacday toogasho lagu dilay askari ka tirsan Maleeshiyaadka dawladda fadaraalka oo lagu magacaabi jiray Xasan Cali Maxamad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here