Hay’ad u oleoleysa taageertana fidinta kirishtaanimada oo lagu magacaabo International Christian Concern (ICC) ayaa Qirtay iney si qarsoodi ah uga shaqeeyso soomaaliya .
Warbixin ay kudaabacday bogeeda ayey kusheegtay in baadari kunoolaa asaga iyo qoyskiisa Tuulo yar oo ku taalla Soomaaliya oo aysan xusin Maalin maalmaha ka mid ah lasoo weeraray noloshoodiina ay si lama filaan ah isu beddeshay kadib markii al-Shabaab ay ogaatey in ninkani yahay Masiixi, waxayna ku qaadeen weerar , Beertiisii oo ahayd ilaha kaliya ee dakhligooda ayey gubeen sida warbixintu xustay.
Isagoo naftiisa iyo qoyskiisa badbaadinaya hoggaamiyahaas kaniisadda go’aansaday inuu baxsado.
Habeen mugdi ah isaga iyo xaaskiisa waxay bilaabeen safar dheer oo lug ah ku wajaheen dhanka Muqdisho.
Hay’adda ayaa sheegtay iney siisay gargaar degdeg ah oo dhan $4,000 .
Sidoo kale warbixnita ayaa lagu sheegay in baadarigaas uu kusuganyahay meel amaan ah oo dhulka hoostiisa haddana uu ku hawlgalo , warbixnita Kuma ay xusin Halka sida rasmiga ay tahay sababo amaan awgeed balse waxaa larumeesanyahay iney tahay goob muqdishu kutaal maadaama uu marki udanbeeyey uu Soo galay
Hay’adda ICC ayaa sidoo kale warbixinteeda kusheegtay iney taageero ufidisey qoysas soomaali kirishtaan ah Kuna nool Kenya gaar ahaan Mombasa .
Hayadan ayaa xustay in hawsheeda soomaaliya ay tahay mid Qarsoodi ah ayna jiraan Soomaali kirishtaan ah oo si qarsoodi ah ula nool wax ay kutilmaameen diin .