Maalintii lixaad ee heshiiska xabbad joojinta ee Gaza, gargaarku wuxuu sii wadaa inuu galo Marinka, halka Booliska Gaza uu ku dhawaaqay inuu dib u bilaabayo shaqada dhammaan saldhigyada booliiska.
Arrintan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo maalintii afaraad oo xiriir ah uu socdo weerarka Yahuudda ay ku heyso xerada Jenin ee ku taal daanta galbeed ee waqooyiga la heysto.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidamada qabsaday xerada Jenin ay bandow kusoo rogeen; Iyado diyaaradaha Quadcopter ee Yahuudda ay ugu hanjabeen Falastiiniyiinta inay toogtaan cid kasta oo ku dhex socota xerada Jenin.
Qaramada Midoobay ayaa shalay oo Khamiis ahayd ku dhawaaqday in ay galeen in ka badan 3,250 baabuur oo gargaar siday, halka wargeyska Haaretz uu sheegay in Yahuudda ay dejisay qorshayaal ay ku doonayso in ay ka dhisto goobo dhawr ah oo ay ku degto bariga Quddus.
Afhayeen u hadlay Booliska Marinka Gaza Mohammed Al-Zarqa ayaa sheegay in dhamaan saldhigyada Booliska Marinka ay dib u bilaabeen howlahooda shaqo, waxaana uu sheegay in ciidamada Booliska ay dib u kala daabuleen dhamaan goobahaasi, ayna sii wadi doonaan waajibaadkooda ku aadan xaqiijinta ammaanka iyo xasiloonida muwaadiniinta Marinka.