Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi oo Dalkiisa ugu Baaqay in loo Diyaar Garoobo Adeegsiga Hubka Nukliyeerka.

17
0

Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un ayaa maanta kormeeray tijaabo lagu samaynayay gantaallada istiraatiijiga ah ee loo yaqaanno Cruise missile, wuxuuna ku baaqay in dalkiisa uu u diyaar garoobo adeegsiga awoodaha Nukliyeerka.

Wakaaladda wararka ee Kuuriyada Waqooyi ee rasmiga ah ayaa sheegtay, in gantaalkan oo ah kii Afraad ee noociisa ah tan iyo bilowgii sanadkan, laga tuuray xeebaha dalkaas, iyadoo intaa ku dartay, in qayb gaar ah oo ka tirsan ciidamada Kuuriyada Waqooyi ee isku dhafka ah ee gantaallada ee ku sugan gobolka galbeedka ay fuliyeen tijaabadan.

Waxa ay intaa ku dartay, in ujeedada tijaabadani ay tahay in looga digo waxa ay ku tilmaantay cadawga Kuuriyada Waqooyi, Awoodda Pyongyang ay u leedahay in ay weerar rogaal celis ah ku qaado meel kasta, iyo in ay ku baraarujiso xaaladda diyaarka ah ee hababkeeda kala duwan ee hawlgalada Nukliyeerka.

Sawirro ay baahiyeen warbaahinta dowladda ayaa muujinayay, gantaalka oo sii duulaya, waxaana madaxwaynaha dalkaas ku hareereysanaa saraakiil muraayadaha ka daawanayay gantaal oo burburinaya dhismo yar oo ku yaallay jasiirad u dhow.

Wakaaladdu waxay soo xigatay Kim Jong Un isagoo leh , awoodda lagu bixiyay gantaalkani waxay ka dhigan tahay, ka-hortagga ugu dambeeya iyo difaaca, isagoo muujinayay inuu ku qanacsan yahay natiijada tijaabadaan.

Wuxuu intaas ku daray in mas’uuliyadda ciidamada hubka Nukliyeerka ee Kuuriyada Waqooyi ay tahay, in ay si joogto ah u difaacaan madaxbannaanida qaranka iyo amniga iyagoo wata gaashaanka Nukliyeerka ah ee la isku halayn karo, iyadoo la helayo diyaargarow dagaal oo dhammaystiran oo awood Nukliyeer ah iyo in si buuxda loogu diyaargaroobo adeegsigiisa.

Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ayaa marar badan ku nuux-nuux saday, in dalkiisa uu noqday quwad ku hubaysan Nukliyeer, isla markaana ay sii wadi doona horumarinta hubkiisa, inkastoo reer galbeedka ay dalbanayaan in dalkiisa uu ka tanaasulo hubkan.

Talaadadii la soo dhaafay, Kim wuxuu ku eedeeyay Mareykanka iyo xulafadiisa Kuuriyada Koonfureed inay sii hurinayaan xiisadda gobolka, wuxuuna wacad ku maray inuu qaadi doono tallaabooyin ka hortag ah – oo ay ku jiraan soo saarista hub badan oo Nukliyeer ah – inkastoo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu sheegay inuu doonayo inuu la xiriiro Kim Jong Un.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here