Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un ayaa wacad ku maray in dalkiisu uu sii wadi doono barnaamijkiisa Nukliyeerka wakhti aan cayimneen, warbaahinta dowladaas ayaa sheegtay Arbacadii, maalmo kadib markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu sheegay in uu afgambi diblomaasiyadeed oo cusub ku samayn doono hoggaamiyaha xilka laga tuuray ee Kuuriyada Koonfureed.
Wakaaladda wararka ee Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegtay, in Kim uu sidoo kale ka digay iska hor imaad aan laga baaqsan doonin oo dhex maro iyaga iyo waxa uu ku tilmaamay dalalka cadawga ah iyo kuwa sharta leh, hadalkaas ayaa kasoo yeeray Kim kadib markii uu kormeeray xarunta wax soo saarka qalabka Nukliyeerka, isagoo xusay in sanadka 2025 uu yahay sanad uu ku xoojinayo awoodda Nukliyeerka ee dalkiisa. “Hadafkeena aan ka leexleexad lahayn waa in aan horumarino nukliyeerka gobolka si aan xad lahayn,” ayay wakaaladdu ka soo xigatay Kim.
Hadalka Kim ayaa imaanaya kadib markii Kuuriyada Waqooyi ay tijaabisay gantaal istiraatiji ah sabtidii, waana tijaabadii militari ee ugu horeysay tan iyo markii Trump uu kusoo laabtay Aqalka Cad.
Kuuriyada Waqooyi ayaa carabka ku adgaysay, in kordhinta awoodeeda nukliyeerka ay uga hortagayso hanjabaadaha uga imaanaya Mareykanka iyo xulafadiisa oo ay ku jirto Kuuriyada Koonfureed. Labada Kuuriya ayaa waxaa ka dhex taagan khilaaf heerkii ugu xumaa gaaray sanooyinkaan dambe.