Askarta ka tirsan ciidamada Sudan ayaa baahiyay sawirada Burhaan, oo muujinaya imaanshihiisa magaalada Wad Abu Saleh ee bariga Niil, taas oo dhacda bariga magaalada Khartoum oo ay ciidamadu dib ula wareegeen labadii maalmood ee la soo dhaafay. Burhaan ayaa la hadlayay dadweyne isugu soo baxay deegaankaas, wuxuuna mar kale soo celiyay baaqiisii ahaa in ay ciidamadu sii wadaan dagaalka illaa laga ciribtirayo Ciidamada Taageerada degdega ah.
Dhinaca kale, ilo-wareedyo milateri oo ka tirsan ciidammada Suudaan ayaa Aljazeera u sheegay, in ciidamada Suudan ay qabsadeen tiro magaalooyin ah iyo tuulooyin ku yaalla dhinaca bariga Niil ee bariga Khartoum.
Wararka ayaa sheegaya, in ciidamadu ay si buuxda gacanta ugu dhigeen magaalooyinka iyo tuulooyinka hoos yimaada deegaanka wabiga Niilka Bari. Ilo xog ogaal ah ayaa xaqiijiyay in ciidamada xoogga dalka ay ka soo ruqaansadeen dhanka waqooyi ee gobolka Wad Al-Zaki.
Dagaalka ayaa hadda xoogiisa ka socda wadada weyn ee isku xirta caasimada Khartoum ee waqooyiga iyo gobolka Nile-ka cad ee koonfurta, waxaana loo yaqaan wadada isku xirta Khartoum iyo Kosti.
Dhinaca kale, Pasha Tabiq, oo ah la-taliyaha Ciiddanka Taageerada Degdegga ah ayaa sheegay, in Ciidamadiisu ay ku sugan yihiin Jidka Niilka Bari ee Gobalka Khartoum, taas oo keentay inay u suurta-gasho inay iska-caabiyaan Ciiddamo ka tirsan dawladda Suudan.
Ciidamadan ayaa shacabka Suudan ku haya xasuuq daran oo aysan dad iyo duunyaba kala reebayn. Wasiirka Caafimaadka ee Gobolka Khartoum oo la hadlay Al Jazeera ayaa sheegay, in duqeyntii ay Ciidamada Gargaarka Degdegga ah ay ku qaadeen Isbitaalka Al-No ee Magaalada Omdurman ay ku dhinteen 6 Qof, 40 kalena ay ku dhaawacmeen.