Hogaamiye Sare oo Katirsana Xooggaga Fajr oo Lagu Dilay Dalka Lubnaan.

23
0

Wararka ka imaanaya dalka Lubnaan ayaa sheegaya in la dilay hogaamiye Xuseen Catwi, oo ahaa hogaamiye katirsana kooxda islaamiga ah ee xoogaga Fajr, oo ah garabka milatari ee Aljamaaca Islaamiyah ee dalk Lubnaan.

Xuseen Catwi ayaa geeriyooday saaka oo Talaadada ah ka dib duqayn ay gumeystaha Israa’iil la beegsatay baabuur uu la socday oo marayay meel u dhow magaalada Naameh ee koonfurta Beyruut.

Hogaamiye Xuseen Catwi ayaa ahaa 57 jir dhashay sanadkii 1968, kuna dhashay magaalada Al-Xabbariyeh ee degmada Xasbaya-Marjayun.

Waxaa xusid mudan in Sheekh Catwi uu horay uga badbaaday isku day dil oo ay gumeystaha Israa’iil ku dili rabeen bishii Janaayo ee sanadkii 2024-kii.

Gumeystaha Yahuuda ayaa dhulka Shaam gaar ahaan Lubnaan, Suuriya iyo Falastiin kawada xad gudubyo iyo dilal joogto ah xilli wadamada Carabta ee gacan saar la leeyihiin gumeystaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here