Hoggaansanaanta Kownka.

48
0

Hoggaansanka iyo isdhiibidda Islaamku dadka ugu yeerayo waa hoggaansanaanta ka muuqata kownkan dhammaantiis.

Waxaan ognahay kownka oo dhan; cirka, dhulka, qorraxda, dayaxa, xiddigaha iyo wax walba oo jira, tirana lagu gaari karin inay Allaah u hoggaansan yihiin.

Haddaad fiiriso dhulka waxa jooga ee noole iyo manoole kala ah, oo uu bini’aadamka qudhiisa ka mid yahay, kan Allaah rumeysan iyo kaan rumeysneynba kulligood dhinacyo badan ayay ka hoggaansan yahiin. Shay walba sidii uu Allaah (SWT) ugu talo galay si aan ahayn ma noqon karo, kamana bixi karo khadkii uu u jeexay.

Qur’aanku si waafi ah buu arrintaas uga hadlay. Tusaale ahaan, waxa uu Allaah (SWT) qorraxda ka yiri:
” وَالشَّمْسُ تَجْرِي لِمُسْتَقَرٍّ لَهَا ذَلِكَ تَقْدِيرُ الْعَزِيزِ الْعَلِيمِ ” [ يس :38 ]
(Qorraxdu waxay ku oroddaa meel loo sugay, taasina waa qaddaraadda Allaha adkaada ee ogaalka badan) [Yaasiin:38]

Qorraxdu halkaas ayey ku socotaa, sidoo kalana wax kasta oo samaawaadka iyo dhulka ku sugan waxay ku socdaan qawaaniinta iyo barnaamijka Allaah ugu talo galay, wax ka bixi karana ma jiro.

Allaah ayaa bani’aadanka siiyay mudnaan gaar ah, kaddib markii uu noloshiisa qeyb ka mid ah uu ikhtiyaar u siiyay, kuna imtixaanay. Qeybta doorashada ama ikhtiyaarka loo siiyay ayaa ah inuu rabitaankiisa ku doorto ku dhaqanka amarka Allaah. Dhinacaas doorashada loo siiyay wixii ka soo hara kownka ayuu kala mid yahay, oo kama bixi karo qawaaniinta iyo barnaamijka uu Allaah u dejiyay.

Kownka intiisa kale waxa uu kala mid yahay arrimo badan sida dhalashada, dhimashada, cimrigiisu intuu gaarayo, waxa uu cunayo, waxa arsaaq u noqonaya, meesha uu ku noolaanayo, waxa uu noqon doono iyo halka uu ku dhiman doono; kulligood waxay ku socdaan barnaamij uu ugu talo galay Allaah (SWT).

Haseyeeshee, bani’aadamka qaarkiis dhinicii ikhtiyaarka ama doorashada loo siiyay oo uu kaga duwanaa khalqiga kale ee Allaah (SWT) uu abuuray ayay si khalddan u adeegsadeen, kana leexdeen nidaamkii Allaah (SWT) ugu talo galay, kownka kalese kulligiis wuu hoggaansan yahay.

Islaamka macnahiisa waxaan ku soo sheegnay in uu yahay hoggaansanka loo hoggaansamo Allaah (SWT)amarkiisa. Hoggaansankaas kaamilka ah ayaa bani’aadanku waxyaabihii Allaah xorriyada u siiyay ku khilaafay kownka intiisa kale.

Hoggaansanaantu macnaheedu waxa weeye in Allaah loo hoggaansamo oo la fuliyo wuxuu amray, lagana haro wuxuu reebay, sida uu u qaabeeyay nolshana lagu raaco ayada oo uu bani’aadanku raalli ku yahay ikhtiyaarkiisana ku doorto fulintaas. Bani’aadanku haddii uu sidaas yeelo wuxuu noqonayaa mid u nool sida quruxda badan ee uu kownkaani u shaqeynayo, kuna socdo jiritaankiisu.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here