Guutada Al-Qassam, oo ah garabka militari ee ururka Xamaas, ayaa bilaabay Hawlgalka “Duufaanta Al-Aqsa” subaxnimadii Sabtida, 7, Oktoobar, 2023.
Militariga iskacaabinta ayaa in ka badan 5,000 gantaal waxay ka soo rideen Marinka Gaza ayagoo ku duqeeyay gumeystaha Yahuuda, sidoo kale gudaha u galay qaar ka mid magaalooyin lagu deegaameeyay gumeystaha Yahuuda ee ku dhaw marinka Gaza.
Dhanka kale ciidamada muqaawamada ayaa gudaha u galay qaar ka mid ah saldhigyada militari ee gumeystaha.
Howlgalka Duufaanta Al-Aqsaa ayaa socdo muddo hal sano ah waxaana ka dhashay saamayn aad u balaaran iyo fashil ku yimid gumeystaha dhanka Siyaasadda, Militariga iyo Sirdoonka.
Fashilka Dhanka Siyaasadda ee Gumeystaha:
Howlgalkaan sanad jirsaday waxaa uu sababay fashil Siyaasadeed ku yimid gumeystaha reer galbeedka waxa uu sidoo kale banaanka keenay cadowtoyada ay u qabaan muslimiinta.
Madaxda reer galbeedka oo ay ugu horeeyaan Madaxweynaha dowlada Mareykanka iyo midka Jarmalka ayaa si buuxda u garab istaagay Yahuuda kadib markii uu bilowday howlgalkii duufaanta Al-Aqsaa arintaas oo gilgishay dareenka muslimiinta caalamka ku dhaqanka waxay sababtay in dad badan hurdada ay kakacaan oo ay fahmaan cadowtooyada gaamurtay ee reer galbeedku u qabaan muslimiinta.
Waxaa dhulka si buuxda u galay haybadii gacan ku samayska ahayd ee ciidamada gumeystaha Yahuuda taas oo noqotay sida guri caaro-caaro oo kale.
Sidoo kale fashilka ciidan ee gumeystaha ka soo gaaray howlgalka duufaanta Al-Aqsaa ayaa qalqal ku abuurtay maamulka Yahuuda oo arkay in ciidamo tiro yar oo ka yimid magaalada Gaza oo ah magaalo yar go’doonsan la wareegeen dhul baxaad leh, burburiyeen saldhigyo waa wayn oo ciidan, nolosha ku qabteen sarakiil Sar sare, askar iyo boqolaal shacabka Yahuuda ka tirsan.
Mid ka mid ah sarakiisha ciidamada badda Mareykanka oo lagu magacaabo “Iskoot Rayter”: ayaa ku tilmamay fashilkan mid si buuxda u burburiyay haybadii ciidamada Yahuuda asago sheegay in gumaystaha Israel ay niyad jabiyeen Mareykanka.
Fashilka Sirdoonka Gumeystaha Yahuuda:
Dhammaan qayabaha kala duwan ee Sirdoonka Yahuuda sida Mossad, Aman iyo Shabak, ayaa la kulmay dharbaaxo culus oo Sirdoon ayago ku fashilmay ka hortaga weerarkan ama in ay wax un ka ogaadaan diyaar garowga iyo qorshaha kooxaha iskacaabinta reer Falastiin.
Madaxii hore ee Sirdoonka Moosad ninka lagu magacabo ” Efraim Halevy” ayaa yiri mar uu ka hadlayay fashilka Sirdoonka ee maamulka gumeystaha Yahuuda ka soo wajahay duullaanka duufaanta Al-Aqsaa :
” Sirdoonkeena ma helin wax digniin sirdoon ah, waxaa maanta ku dhacaaya Israel waa arin lagu kadiyay oo Xamaas waxay nagu soo riday in ka badan 3kun oo Saaruukh anagana maanan ogayn in ay haystan tirada intaas la eg ee sawaarikhda ah iyo in ay yihiin kuwo shaqaynaaya.
Chuck Freilich, ku xigeenkii hore ee lataliyihii amniga qaranka gumeystaha Israa’iil, ayaa yiri : “Sida cad innagu diyaar uma ahayn weerarkaas. Waana guuldarro xagga sirdoonka iyo hawlgallada,” ayuu sii raaciyay, Chuck Freilich.
Dharbaaxada ugu culus ay la kulmeen Gumaystaha waxaa ka mid ah qabashada madaxii Taxqiiqaatka sirdoonka Yahuuda ahaana jeneraalka haystay Konfurta Falastiin ninka lagu magaacabo Namruud oo u gacan galay kooxaha iskacaabinta Falastiin.
Gumaystaha Yahuuda ayaa sanad kadib ku fashilmay dagaalka ka socda magaalada Gaza.
Waxaana xilalka iska casilay madax sare sare iyo sarakiil ciidan uu ka mid yahay tliyaha ciidamada dhulka, ninka lagu magacaabo Tamir Yadai.
Gumeystaha ayaa xasuuq daran u gaysanaayo muslimiinta reer Gaza, ayagoo ku guul daraystay dagaalka ay kula jiraan kooxaha iskacaabinta Falastiin.