Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa habeenkii xalay waxa ay fuliyeen howlgallo militeri oo ka dhan ah askarta dowladda fedaraalka Soomaaliya.
Howlgalad ayaa ka kala dhacay gobolada Gedo, Hiiraan iyo Shabeelada hoose.
Gobolka Gedo:
Ciidamada militeriga Alshabaab waxey xalay qarax la beegsadeen xarunta ciidamada nabadsugida ee degmada Baardheere, Waxaana jirta khasaara soo gaaray askarta la weerary.
Gobolka Hiiraan:
Howlgal qorsheysan oo ciidamada xarakada Alshabaab xalay ka fuliyeen agagaarka xeradii ay ka guureen ciidamada Jabuuti ee galbeedka magaalada Beledweyne ayaa lagu dhaawacay askari katirsan dowlada federaalka kaasi oo dhaawiciisa uu yahay mid garaab ah.
Gobolka Shabeelada hoose:
Ciidamada xarakada Alshabaab ee ka howlgala gobolka Shabeelada hoose waxey habeenkii xalay dagaal culus ku qaadeen saldhiga ciidamada dowlada federaalka Soomaaliya ku leeyihiin degmada Jannaale .
Isla gobolka Shabeelada hoose waxey militeriga Alshabaab xalay weerareen saldhigyada ciidamada dowlada federaalka ee ku leeyihiin xaafadaha Mukayga iyo Haanta dheer ee degmada Afgooye.