Ciidamada dawladda Suudaan ayaa banaanka keenay xaqiiqooyin ku saabsan, inay gacanta ku dhigeen hub laga keenay dalka Kenya, kaas oo gargaar milititari ahaan ay xukumada Nairobi ugu dirtay kooxaha dacmu sariic.
Ilo ka tirsan milatariga Suudaan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay, in sirdoonka milatarigu ay heleen tiro hub ah oo laga leeyahay dalka Kenyan, kuwaas oo laga helay bakhaaradii ay hubka ku kaydsan jireen maleeshiyada Taageerada degdega ah.
Wararka ayaa intaas ku daraya, in hubkan cusub ee Kenya uu xaqiijinayo doorka milateri iyo midka siyaasadeed ee ay dawladdaas ku leedahay qalalaasaha ka taagan Suudaan, taas oo taageero dadban u fidisa maleeshiyaadka Taageerida degdegga ah, waxayna laamaha amaanka ee Suudaan ballan qaadeen inay sida ugu dhaqsiyaha badan shacabka ugusoo bandhigi doonaan dhammaan xogta ku saabsan hubka Kenya.
20-kii Febraayo, dawladda Suudaan ayaa u yeeratay safiirkeedii u fadhiyay Nairobi, Kamaal Jabara, iyadoo ka caraysan martigelinta shirarka ay mucaradka dalkaas ay ku dhiganayeen gudaha Kenya oo ay ku jiraan xoogagga siyaasadeed iyo hoggaamiyeyaasha ciidamada Taageerada degdegga ah, ujeeddaduna tahay in la dhiso dowlad barbar socota tan Abdifatax Al-Burhaan.