Ciidamada xukumada shiiciga ah ee Iiraan ayaa ku dhawaaqay, in saacadihii lasoo dhaafay ay ku guulaysteen in ay burburiyaan 28 bartilmaameed oo milatari oo ay lahaayeen ciidamada Yahuudda, ayna soo rideen diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ah, taasoo ay sheegeen in lagu bartilmaameedsaday gudaha dalka Iiraan.
Bayaan kasoo baxay ciidamada ayaa lagu xusay, in burburinta bartilmaameedyadan lagu gaadhay iyadoo la adeegsanayo nidaamyada casriga ah ee radarada, falanqaynta elektaroonigga, gantaallada difaaca cirka iyo madaafiic culus.
Dagaalka u dhaxeeya Yahuudda iyo Iiraan ayaa sii galaya waji kale oo xasaasi ah, kaas oo u muuqda mid ku fidi kara guud ahaan mandiqada Bariga dhexe, iyada oo laga cabsi qabo in ay dagaalka qayb kasoo noqdaan dalal kale.