Iiraan oo Wax Kama Jiraan Ku Tilmaamtay Hadalkii Makron ee Hor Marinta Barnaamijka Nukliyeerka Iiraan.

6
0

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Iran ayaa ku dhawaaqday, inaysan waxba ka jirin eedaymaha madaxweynaha Faransiiska ee Emmanuel Macron ee ku saabsan barnaamijka Nukliyeerka Iran.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Iran ayaa bayaan ay soo saartay shalay Talaadadii ku sheegtay, in eedeymaha madaxweynaha Faransiiska ee ku saabsan Iran ay yihiin mid aan sal lahayn oo isburinaya. Waxa ay intaa ku dartay in dhaq-dhaqaaqyada Nukliyeerka ee Iran ee nabdoon ay ku socdaan qaab dhismeedka shuruucda caalamiga ah iyo in ay  si adag oo joogto ah ula socdaan hay’addaha caalamiga ah ee tamarta Nukliyeerka.

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa sheegay Isniintii, in barnaamijka Nukliyeerka ee Iran uu ku wajahan yahay  meel aan kasoo laabasho lahayn, isagoo sheegay inuu doonayo inuu wadahadal istiraatiiji ah oo ku saabsan Tehran la yeesho maamulka soo socda ee Maraykanka, kaas oo wax looga qabanayo hor marinta nidaamka Nukliyeerka ee Iiraan.

Hadalka Macron ayaa yimid maalmo kaddib, markii wakaaladda wararka ee ISNA ay shaacisay, in wareegga xiga ee wadatashiga Iran iyo wadamada Yurub ee barnaamijka Nukliyeerka lagu qaban doono Geneva 13-ka Janaayo. Kulankan ayaa ku soo beegmaya shirar isdaba joog ah oo looga hadlayo barnaamijka Nukliyeerka ee Iran, iyadoo ay cirka isku sii shareereyso xiisadda kala dhexeysa reer Galbeedka.

Wadahadalladan ayaa la qaban doonaa maalmo ka hor inta uusan ku soo laaban Aqalka Cad Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump, kaas oo mudo xileedkiisii ​​hore qaatay siyaasad, Iiraan saaraysa  cadaadiskii ugu badnaa abid ee dhanka Nukliyerka, taas oo sababtay in Washington ay ka baxdo heshiiskii Nukliyeerka e  sanadkii 2018-kii, iyadoo Tehraan kusoo rogtay cunaqabatayn adag.

Heshiiskii Nukliyeerka ee sanadkii 2015-kii dhexmaray Iran iyo quwadaha reer Galbeedka ayaa xayiraad adag ku soo rogay barnaamijka Nukliyeerka ee Iran, si loo khafiifiyo cunaqabateynta dhaqaale. Laakiin ka bixitaanka Mareykanka ee heshiiskii 2018-kii iyo dib u soo celinta cunaqabateynta Tehran ayaa keentay, in Iran ay si tartiib tartiib ah uga baxdo balamihii  Nukliyeerka, taas oo  kor u qaaday xiisada haatan taagan.

Maamulka Iraan ee hadda talada dalkaas haya ee uu hoggaamiyo Madaxweynaha Masoud Pezeshkian, ayaa doonaya in ay dib uga wada xaajoodaan dib u soo noolaynta heshiiskii 2018-kii, lagana khafiifiyo cunaqabataynta dhaqaale ee la saaray dalkiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here