Iiran oo caawa Gantaallo ku Garaacday Saldhig Ciidamada Mareykanka ku Leeyihiin Dalka Qatar.

16
0

Dowladda Shiicada ee Iran ayaa caawa si rasmi ah u bilawday weerarro ay kaga falcelinayso duqeymihii uu Mareykanka dhawaan ku qaaday dalkeeda, iyadoo caawo gantaallo ku garaacday saldhig  ay ciidamada Mareykanka ku leeyihiin dalka Qatar.

Tiro gantaallo ah ayaana lagu soo waramaya inay ku hoobteen saldhiga ay Mareykanka ku leeyihiin magaalada Doxa ee Caasimada dalka Qatar.

TV-ga Iran ayaana sheegay, in ciidamadooda ay bilaabeen jawaab adag oo ku aadan gardarada Mareykanka.

Dad goob-joogayaal ah ayaa soo duubay muuqaal muujinaya gantaallada Iran oo sidii roobka ugu hoobanaya saldhigga Mareykanka.

Muuqaalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here