Maalinimadii shalay oo Khamiis ahayd dhacdo aad u fool xun ayaa ka dhacday magaalada Cadan ee ah caasimadda ku meel gaarka ah ee dowladda Yaman, taasoo ahayd, in maleeshiyaad uu taageero Imaaraadka Carabta ay xoog ku galeen masjid lagu magacaabo Cumar Binul-Khadhaab oo ku yaalla bartamaha magaalada Cadan, waxayna rasaas ku fureen gudaha masaajidka, taasi oo argagax iyo cabsi ku abuurtay dadkii cibaadaysanayay.
Intaasi kadib murtazaqadan oo isugu yeera golaha ku meel-gaarka ah ee koonfurta Yaman, taageero iyo taakulayna ka hela dowladdda Imaaraatka Carabta, ayaa si arxan darro ah oo bahdil ah u afduubay Imaamkii Masjidka, kaas oo lagu magacaabo Maxamed Kaazimi, kadib markii uu jeediyay muxaadaro ku saabsan qadiyadda Falastiin gaar ahaan Qazza.
kamarad gaar ah o ku xirnayd gudaha masjidka ayaa duubtay maleeshiyaadka oo rasaas ku furaya gudaha masjidka, si awood sheegad iyo anshac darro ahna dadka hortooda ugu jiidaya imaamka.
Dhacdadan ayaa caro iyo hadal hayn wayn ka dhalisay gudaha waddanka Yaman, iyadoo dad aad u fara badan oo ay kamid yihiin dadkii goob-joogga ka ahaa maxaadarada imaamka, ay sheegeen, in imaamka danbi looga dhigay, kaliya inuu u duceeyay ehelkeenna reer Qazza ee gumaadka kala kulmaya Yahuudda xaaqidiinta ah.
Kadib markii ay dadku si weyn uga caroodeen, Sheekha ayaa la sii daayay ka gadaala markii ay saacado badan afduub u haysteen maleeshiyaadkan isugu yeera golaha ku meel-gaarka ah ee koonfurta Yaman, una ololeeya in koonfurta Yaman ay ka go’aan waqooyiga.
Dhacdadani maaha tii ugu horreysay oo ka dhacda dalkaas; imaamyada, wadaadada iyo dadka isbadal doonka ah ayaa dhowrkii sano ee la soo dhaafay waxay la kulmeem xarig iyo dilal ay geysanayeen maleeshiyaadkan uu taageero Imaaraadka Carabta.