Imaaraatka Carabta oo soo Dhaweeyay Heshiiskii Xaaranta ahaa ee ay Wada Gaareen Xasan Garguurte iyo Abiy Axmed.

15
0

Dawladda Imaaraadka  ayaa soo dhoweeysay heshiiska xaaranta ahaa ee ay wada gaareen Xasan Garguurte iyo Abiy Ahmed, kaas oo lagu xaraashay badda Soomaaliya,  waxay sheegtay Abu Dhabi inuu heshiiskaas sare u qaadaya iskaashiga iyo xiriirka gobolka Geeska Afrika, iyadoo ku ammaantay dalka Turkiga ee dhex-dhexaadinayay wad-hadalkaas, inuu tallaabo wanaagsan u qaaday dhanka xasilloonida iyo horumarka gobalka.

Wakaalladda Wararka Imaaraadka ee WAM ayaa tiri: “Imaaraadku wuxuu soo dhaweeyay heshiiskii taariikhiga ahaa ee ay Soomaaliya iyo Itoobiya gaareen ee ahaa inay ka tanaasulaan khilaafaadka, iyagoo muujiyay inay rajeynayaan in tallaabadan muhiimka ah ay ka qeyb qaadan doonto xoojinta buundooyinka isgaarsiinta iyo wada-hadallada, waxayna gacan ka geysan doontaa xoojinta xasilloonida iyo iskaashiga wax soo saarka leh ee gobolka Geeska Afrika.”

Imaaraatka  ayaa ah gacanta Koobaad ee uu Mareykanka ku xasuuqaya Muslimiinta . Wuxuuna Imaaraatka gacansaar dhaw la leeyahay maamulka Yahuudda ee xasuuqaya ehelkeenna reer Falastiin ee Gaza, Sidoo kale Imaaraatka ayaa gacan wayn kuleh dhammaan qalalaasaha ka socda waddamada Islaamka, oo ay ka mid yihiin Suudaan, Soomaaliya iyo Yemen.

Arintaan ayaana kusoo beegmayso iyadoo Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay si kulul ugaga hadashay hashiiskaas xaaraanta ah ee ay Xasan Garguurte iyo Abiy ku gaareen dalka Turkiga, waxayna Xarakada bayaan ay soo saartay ku sheegtay, in hashiiskaas uusan waxba kagaga badalneen kii Muuse Biixi iyo Abiy Axmed ay ku wada-gaareen Addis Ababa.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here