Imaarada Islaamiga Ah Ee Afgaanistaan Oo Bilowday Dhismaha Mashruuc Koronto Muhiim ah.

46
0

Imaarada islaamiga ah ee Afgaanistaan oo dalka Afgaanistaan kawada hormarro waa weyn oo taabanaya qaybaha kala duwan ee nolosha.

Imaarada islaamiga ah ayaa daah-furtay mashruuc aad u ballaaran oo lagu xirayo, lagana dhalinayo Korontada saddex gobol oo ku yaalla koonfurta dalka Afgaanistaan.

Mashaariicda ugu waaweyn ee wado Imaarada islaamiga ah waxaa kamid ah in ay dalka Afgaanistaan gaarsiiso isku filnaashiyo dhanka tamarta iyo beeraha ah. 

Mashaariicda waaweyn ee wado Imaarada Islaamiga ah waxaa kamid ah dhismaha kanaalka weyn ee Qushtibah oo astaan u noqday didaalka hormarineed ee wado Imaarada Islaamiga ah ee Afgaanistaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here