Munaasabad ay ku qalin jabinayeen askar katirsan imaarada Islaamiga ah ee Afgaanistaan ayaa ka dhacday gobolka Nimrooz oo ku taal koonfurta fog ee dalka Afgaanistaan.
Mujaahidiinta loo soo xiray tababarka ayaa qaatay intu tababarka socday cashiro isugu jiro kuwo ciidan iyo dowraat fikri ah.
Waxaa munaasabadda ka hadlay guddoomiyaha gobolka Nimrooz Sheekh Maxamed Qaasim Khaled, asagoo ka codsaday askarta in ay iska ilaaliyaan islaweynida, muwaadiniintana ay si wanaagsan ula dhaqmaan, isla markaana ay difaacaan xuduudaha dalka, kana shaqeeyaan sidii ay u difaaci lahaayeen khayraad Afgaanistaan.
Hoos ka daawo sawirada: