Imaarada Islaamiga ah ee Afghanistan markii ay dalka Afgaanistaan ay xoreeyeen waxay dhaqan galiyeen shareecada Islaamka, arintaas waxaa ka dhashay natiijo dunida oo idil ay la fajacday oo ah in waqti aad u kooban lagu soo afjaray beerashada, ka ganacsiga iyo cunida daroogada .
Sidoo kale mujaahidiinta Daalibaan ayaa hormaro aad u balaaran ka sameeyay dhanka adeegyada arimaha bulshada sida dhisidda isbitaalo waa wayn oo lagu dhaqan celiyo dad kumanan qof gaaraaya oo noloshooda ay burburisay isticmaalida daroogada.
Maamulka islaamiga ah ee Afghanistan ayaa sidoo kale wada dhismaha warashado waa wayn oo lagu samaynaayo wax walba oo loo baahan yahay sida warshadaha sameeya daawooyinka.
Bishii December ee sanadkii hore, wasaarada qaabilsan daawada iyo cuntada ee Imaarada Islaamiga ah ee Afghanistan ayaa sheegtay in Afgaanistaan laga ay leedahay in ka badan 100 warshad oo lagu sameeyo daawada.
Sidoo kale, dalka Afgaanistaan oo la kulmaayo go’doomin dhaqaale oo caalami ah ayaa ku tilaabsaday hormaro dhanka dhaqaalaha ah, sida in Afghanistan laga mamnuuco ribada, dhammaan bangiyada Afgaanistaan ayaa laga dhaqan galiyay nidaamka dhaqaalaha ee islaamka.
Dhanka wax soo saarka shidaalka, wasaaradda macdanta iyo shidaalka ee Imaarada Islaamiga ah ee Afghanistan ayaa sheegtay in dalka Afgaanistaan laga helay ceelal shidaal.
Mid kamid ah ceelasha shidaalka ee laga sameeyay Wilaayada Sarpol ee dhacda waqooyiga Afgaanistaan ayee sheegtay wasaaraddu in ay ka howlgalaan in ka badan 35 injineero ah iyo 550 shaqaale.
Imaarada Islaamiga ee Afgaanistaan ayaa balan qaaday in si dardar leh loo ziyaadin doono wax soosaarka shidaalka si Afgaanistaan ay isugu filnaato, kadibna ay dunida u iib gayso shidaalka Afgaanistaan.